Sidee caruurteyda ii maqli karaan?

Waa suaal ay waalidinta isweydiiyaan qaasatan hooyooyinka qaarkood. Waqtiyadaqarkood hooyowalba waxaa soo fool saara waqti uu ka dhumo kontorolka caruurta. Ma waxaad u baahantahay xaqiiqdii inuu ilmahaaga ku maqlo? Markii an darsay, arkay,hooyooyinka qaarkood oo iskudayaaya in caruurtada ay dhageystaan (maqlaan) qaanuunka reeka u hogaansanaadaan, waxaan arkay marxalado kala duwan oo i xiiso geliayay, marxaladahaas waan ku fahmi waayay waxa ku adag waalidka.

Qaladka waalidka waxaan ka fahmay in ay dadka u fududahay iney arkaan qaladka dadka kale (Waalidka), waxaa waajib ah in la caawiyo meshii looga had- hadli lahaa. Tusaale ahaan:


Hooyo ujeeda (aragta) in cunugeeda seddex jirka ah ku ciyaaraaya koob ay caano ugu shubtay, hooyadana danaheeda iska qabsato oo cunigii iyo caanihiisii ay wax fiiro uyeelan, wax yar kadib waxey leedhay “Jooji koobka caanaha aad ku ciyaareysid!!” kadibna kasiijeysanee iyadoo u xaqiijisan in uu joojiyay ciyaartii uu koobka caanaha oo warkeedii raacay, waxaa xiga iney argto in caanihii uu daadiyo.

Hooyadii: Cunigii ayey ku qeylinee ganaaxna ugu daree!!, Iyadoo u hanjabeyso waan ku seexinaa, meeshaan fadhiiso, cunigii markuu naxo, fahmina waxey hooyo ugu qeylineyso, hoyadiina ay sii xanaaqdo iyadoo dhaheyso hadaad aamusin waan kunacaa iwm.

Cunugaas hooyadiis qeylideeda dheg jalaq uma siinaayo waayo maalinkasto ayuu maqlaa dhaar iyo hadal aan la fulineyn, waan ku seexinaa aan la seexineyn, waan ku nacaa’aan la’nacaeyn!

Waalindiinta qaarkood arimahaan wey la kulmaan xiriirka ka dhaxeeya iyaga iyo caruurtooda, brobleem aan aheyn caruurta awgeeg ayagoo ka welwelsan ayey iloobaan waalidnimada iyo iney dad waaweyn yihiin, kuwaasoo awood uleh iney helaan xal fiican. Waalidku wuxuu bilaabaa inuu la ficiltamo/ la murmoo caruurta iyagoo isla sima, oo noqda caruur aan war maqleyn.

Cunug walba oo caafimaad qaba wuxuu awoodaa inuu wax badan qabsado. Ugu badnaan waa lagu kalsoonaan karaa wuxuuna noqdaa garab hadii uu dareemo in lagu kalsoon yahay masuulna ka qaadi karo xilkii la saaray. ugu badnaan caruurta oo dhan( kuwa yaryar) waxey damcaan iney waalidkood ka farxiyaan, sababtoo ah waalidka wa a kuwa uu ku dareemo jaceylka koowaad.

Waxaan rabaa inaan weli sheego hal marxalad kaasoo aad u adag taasoo fulinteeda aad u adagtahay. Codka waalidka ugu badnaan wuxuu yahay xanaag qeylo wata. Cunigiina wuu dareemaa i isagana saameyn ayey hadalkiisa ku sameysaa oo sidaasoo kale ayuu ugu jawaabaa waalidkiis.

Sidaas daraadeed markey hooyaduwax wey diineyso cunuga cod aan deganeyn inuu wax(howl) uqabto ama uu joojiyo waxa uu asaga xiiseynaaya farxadna uu kahelaayo, badanaa waxey la kulantaa hor imaadsho. Caruurta si fiican ayey u dareemaan waxa laga rabo iyo waxey ka rabaan dadka ka waaweyn, sidaas daraadeed reekoo degan jewi (marxalad) degan caruurta waa lagu kontorooli karaa, ficil yar oo lasameeyo sida in indhaha loogala hadlo ama hadal yar oo kooban oo la yiraahdo, xasuusin aan aheyn amar.

Marka qaar waax arkay in caruurtu ay war ka maqlaan hooyada (Dhegeystaan) oo aaney dhegeysan aabbaha ama ay tahay isdhaaf. Waxaa muhiim ah inaan fiiro gaar u yeelado xiriirka idinka dhexeeya adiga iyo caruurta, aad lahaataaan (Aabbaha iyo hooyada) isku hal amar iyo isku qaab dhaqan xaga caruurta.
Ciqaabta waa waxa ugu danbeeya oo lagu dayo caruurta, waa markii wax kasto lagu dayay oo hab xanaaneyn ah oo lagu joojin lahaa qaanuunka wanaagsan ay noqdeen kuwo aan miro dhalin.

Muuhimada waa Jaceylka Hooyo iyo Aabbaha hadii xatii ay kala tegeen (Aintaan waa maalin kale oo aan idiinka hadli doono) ay u qabaan caruurtooda ( Cunugooda) daacadnimoda ilmaha ( taasoo aheyn fiiri saan kuu jeclahay, telefoon qaali aan kuu soogaday iwm). Inaad u rajeysid oo qura naxariis i nasiib qeyr leh. Raxmada jaceylka waalidka waa dareenka uu qofka ku barto in uu awoodo inuu qof jeclaado asna la jeclaado. Cunugii ku kora jaceyl caqliyeysan iyo raxmad dhexdooda badanaa wuxuu noqdaa qof saaxiibtinimada jecel (Asxaanleh, salaama dadka.


Cunuga 3 ila 6 jirka ah inuu waalidkiisa daacad u ayahay wuxuu isku dayaa inuu ahaado qof u eg ayaga. Caruurtu waxey sii wadaan iney ku daysadaan dhaqanka waalidkood sida hadalka iyagoon isku dayeen iney noqdaan sida waalidka uu caqli ugu hadlo, Maxaa loo baahanyahay in waalida uu ku fekero haddii ay rabaan iney korsadaan caruur fiican oo maskiin ah?


Caruurta oo hor taagan waalidka tusaalihiisa iyo dareensana jaceylkooda,caruurta iyagaa saameyn kuleh debcigooda iyo iyi sidey ula dhaqmi lahaayeen dadka. Haddii ilmuhi dareemo daacadnimada waxa laga rabo, wuu fahmaa rabitaankooda, waalidiinta qaar wey wareeraan, ma yaqaanaan sidey u dhaqmilahaayeen in caruurtooda ay maqlaan oo ay dhaqn wanaagsan layimaadaan, sida abdan waalidiintaan waxey bilaabaan iney u hanjabaan caruurta, ku qeyliyaan, ilaa xataa ay dharbaaxaan, qanjuruuftaan iwm. iyagiin tusin qaladka caruurtu gashay una sharaxin, aabbayaashaan iyi hooyooyinkaan dhaqnkooda wuxuu caruurtu uriixaa dhaqnka xun sida edebdaro badan.

Ciqaabida caruurta badankooda uma noqoto waxa keliya oo ka celiya edebdarada iyo dhaqanka xun. Insha Alla waan soo dhameystiri doonaa